NHS oo bilowday bixinta Talaal Xoojiyaha Coronavirus (Covid-19)

( Booster dose of Covid-19 Vaccine- in Somali)

 

Talaal xoojiyaha coronavirus waa talaal loogu tala galay dadka u nugul xanuunka caabuqa, waxaana la sheegay in la siinayo kaliya shaqsiga horay u soo qaatay labadii talaal ee hore islamarkaasna uu talaalkii 2aad qaatay 6 bilood ka hor.

Talaalkan NHS bilowday waxuu difaac dheeriya u noqonaya dadkaas u nugul xanuunka caabuqa, waxaana loogu talo galay in looga gaashaanto xilliga qaboobaha.

Hadaba yaa xaq u leh inuu qaato talaalkan gaashaanka u ah oo NHS ay siin doonaan:

Waxba haka walbahaarin, waxaa kula soo xidhiidhi doona xarunta caafimaadka (NHS) oo kuu sheegi doonta markii waqtigaaga la gaadho waa hadii aad ka mid tahay dadka xaqa u leh in la siiyo taaalkan lagu xoojinayo talaadii hore islamarkaasna qaba xaalad caafimaad oo halis u ah inuu ku dhaco caabuqu.

Waxa u baahan inay balanta iyagu qabsadaan waa shaqsiyaadka ka shaqeeya xarumaha caafimaadka iyo daryeelka arrimaha bulshada.

Sidoo kale hadii lagula soo xidhiidho oo NHS kaa codsato inaad qaadatid talaal xoojiyaha, waa in aad buuxsatid balanta lagu qaadanyo talaalkaas.

Waxaan hoos ku xusi doona dadka waqtigan qaadan kara:

      • Shaqsiyaadka da’doodu gaadho 50 Jir iyo waxii ka wayn
      • Shaqsiyaadka ku nool guryaha xanaanada ee lagu daryeelo waayeelka (Care Home) iyo dadka ka shaqeeya halkaas
      • Shaqaalaha caafimaadka ee jiida ka hore kaga jira iyo xubnaha ka shaqeeya daryeelka bulshada (Social Care Workers)
      • Caruurta da’doodu jirto 16 iyo waxii ka wayn ee qaba xaalad caafimaad oo markaas looga cabsi qabo in xanuunka caabuqu halis badan ku yahay inuu xanuun daran kala kulmi karo.
      • Shaqsiga da’diisu dhan tahay 16 jir iyo waxii ka wayn ee daryeela qof xanuunsan ama xaalad kale oo cafimaad haysato una baahan in la daryeelo dadkaas oo looga cabsanayo inay si dhib yar u qaadaan xanuunada caabuqa.

FG: Qoraalkan waa faalo, aan ugu talo galnay inaan ku oggaano xogaha la xidhiidha talaalka, kamana turjumo wareegto kasoo baxday xarun caafimaad iyo dowlad toona.
Hadii aad u baahatid inaad oggaatid xogta dhabta ah. Fadlan la xidhiidh xarumaha caafimaadka sida dhaqtarkaaga oo kale oo ku siin kara xog saxa iyo baahidaadu waxay tahay.
(HOAF)-masuul kama nihin waxii qaladaad ah ee ka dhasha qoraalkan.

Hadaad rabtid inaad Xog saxa ka oggaatid waxaad booqan kartaa shabakadahan hoose.

Coronavirus (COVID-19) booster vaccine – NHS (www.nhs.uk)