Wax ka Oggow nooca waraysiga PIP
ee lagu qaadayo aalada Teleefanka.

What Happens during the PIP telephone assessments (in Somali)

Xanuunka caaqbuqa Covid-19 awgiis waxaa la bilaabay in lagu waraysto aaladaha isgaadhsiinta ee Teleefanada xubnaha cusub ama kuwii horay u qaadan jiray taakulada lasiiyo dadka qaba xaalada caafimaad ee ay kamidka yihiin xanuunada dhimirka ama dadka naafada ah, taakuladan waxaa loo yaqaano Personal Independence payment (PIP).

Hadaba waxa Haayada HOAF lasoo xidhiidhay xubno qaadan jiray PIP oo hada loo soo tuuray , foomam la buuxinayo iyo waraysiyadan qadka teleefanka lagu qaadayo iyo qoraalo kale kuwaas walwal ka qaaday isbadalkan oo ka duwan qaabkii hore ee waraysiydan lagu qiimaynayn jiray.

Hadaad kamid tahay dadka qaata ama saxiibka ama qof qoyskaaga kamida uu qaato, waxba haka walbahaarin. Waraysiyadan waxa aan ka ognahay hoos kugula wadaagayna:

 

1.  Waxaa muhiima inaad diyaarsato cadaymaha caafimaad ee aad ka haysatid Dhaqtarkaaga, cadaymahaas waxay noqon karaan Warbixin (Report) uu dhaqtarku kaa diyaariyay, ama warbixin  la xidhiidha xaaladaada caafimaad. Cadaymo kasta oo aad haysatid diyaarso sida ugu dhaqsaha badana ugu dir, hadii aadan waqtigan haysanin warbixin aad la wadaagto, balse ay jiraan balamo aad la leedahay xarun caafimaad oo xaaladaada lagu qiimaynayo u sheeg inaad qabtid balan, ama hadii aad Hospitaal gashay arrin la xidhiidha xaaladaada caafimaad u sheeg, markaad xogtaas ay kusoo gaadhana u dir.

2. Waraysigan lagaa qaadayo maaha mid caafimaadkaaga lagu qiimaynayo, laakiin waa mid lagu qiimaynayo isku filaanshahaaga aad wax ku qabsan kartid. Inta badan waxa waraysiga kula yeealanaya Kalkaaliso caafimaad, Physiotherapist (Qof haysta taqasuska daawaynta jimicsiga jidhka), Occupational Therapist, ama Paramedic. Waxaad xaq u leedahay inaad waydiiso qofka ku waraysanaya magaciisa oo buuxa iyo xirfadiisu waxay tahay si aad fahan uga qaadato qofka ku waraysanaya.

3. Waraysigaagu waxuu ka koobnaan doona in wax lagaa waydiiyo Warbixintii caafimaadkaaga iyo Xogtii aad ku buuxisay foomkii aad ka jawaabtay. sidaas awgeed sii diyaarso nuqul foomkii aad buuxisay iyo warbixinta dhaqtarkaaga, si hadii wax lagaaga waydiiyo aad u xasuusatid.

4. Waraysigan waxuu fursad kuu siinayaa inaad xaaladaada caafimaad iyo baahiyaha gaarka aad qabtid kala hadashid qofka ku waraysanaya. Waxaa jira shaki laga qabo in qofka ku waraysanaya uu kaasoo hor jeedo oo lidi kugu yahay sidaas awgeedna uu kuu su’aalayo su’aalo jawaabahooda aad qaldi kartid. Arrintaas run maaha, qofka ku waraysanaya waa qof taqasus haysta shaqadiisuna ay tahay in macluumaadka aad siiso iyo cadaymaha horyaala uu ku qaato go’aan. Si kastaba ha noqotee, dareen ha qaadin, iskuna day sida ugu wanaagsan inaad uga jawaabto su’aalaha lagu waydiiyo. Xasuunow inaad u sheegtid waxyaalaha kuugu dhib badan ee baahidaada la xidhiidha, hadii aad qoraal ugu dirtay xataa, ku celceli oo uga faaidayso waraysigan inaad sharaxaad ka siiso.

Waxaad ku dadaasha su’aalaha lagu waydiiyo jawaabtooda inaad ka dhigto , inaad ka hadashid waxyaalaha ku dhibaya ama aadan qabsan karin. Tusaale ahaan hadii aad qabtid xanuunka dhimirka, oo lagu waydiiyo socdaal ma gali kartaa kaligaa, waxaad uga warantaa , oo aad u faahfaaisa saamaynta xanuunkaagu ku leeyahay inaad qorshaysan karto socdaal, miyaad u baahantahay qof ku caawiya mise kaligaa baa safarkaas gali kara.

5. Xasuusnow waxaad xaq u leedahay qof ku caawiya oo aad ku kalsoontahay, qofkaas oo aqoon fiican u leh xaaladaada caafimaad, waxuu noqon karaa saxiibkaa ama qof kamida qoyskaaga. U sheeg qofka ku waraysanaya in waraysiga kaala qayb qaadanayo qof adiga kula socda, qofkaas xaaladaada wuu ka hadli karaa, wuuna ku caawin karaa hadii aad wax hilmaantid wuu ku xasuusin karaa. marka isku day inaad qof ku caawiya samaysatid oo kaala qayb qaata waraysigan si uu kuu kaalmeeyo.

6. Turjumaan hadaad u baahantahay, u sheeg in aad rabtid qof turjumaan kuu noqda. qofka ku caawinaya turjumaan wuu kuu noqon karaa, ama iyagaa keensan qof turjumaan ah. la socodsii hadii baahi ay jirto dhinaca xidhiidhka ah.

7. Waraysigu badanaa waxuu qaata 1 Saac. waase ka badan karaa, kolba waxay ku xidhantahay xaalada qofka la waraysanayo.

8. Waxaad xaq u leedahay, inaad duubtid waraysigan. laakiin waa inaad codsigaas sii gudbisid. Qolada ku waraysanaysa ma duubayaan codkaaga adiga oo aan horay u siinin oggolaansho dhinacaaga ka yimid.

9. Waraysiga markuu dhamaado, qofkii ku waraysanayay waxuu diyaarin warbixin uu ka sameeyay cadaymihii aad u dirtay iyo jawaabahaagi wax kamida. Kadib warbixintaas waxa loo dirayaa DWP.

10. DWP waxay daraasad ku samayn warbixintii qofkii ku waraystay soo diyaariyay, Jawaabihii aad ku qortay foomkaagi, iyo cadaymihii aad dirtay intaba , halkaas bayna ka gaadhi go’aan. Go’aankaas waxuu noqon karaa mid ku taageera ama waxuu noqon karaa mid lagugu soo diido. Hadii lagu soo diido waxaad xaq u leedahay inaad ka dacwootid.

Hadii aad faahfaahin dheerada u baahatid,

nagala soo xidhiidh

WhatsApp: + 44 7825 544320

 

FG: Qoraalkan waa faalo, aan ugu talo galnay inaan ku oggaano xogaha la xidhiidha waraysiga lagu qaado teleefanka marka la qiimaynayo PIP,

Qormadan kama turumayso wareegto kasoo baxday xarun caafimaad iyo dowlad toona.
Hadii aad u baahatid inaad oggaatid xogta dhabta ah. Fadlan la xidhiidh xarumaha ay qusayso sida dhaqtarkaaga oo kale oo ku siin kara xog saxa iyo baahidaadu waxay tahay.
(HOAF)-masuul kama nihin waxii qaladaad ah ee ka dhasha qoraalkan.

Hadaad rabtid inaad Xog saxa ka oggaatid waxaad booqan kartaa shabakadahan hoose.

Independent Assessment Services | Home (mypipassessment.co.uk)