Xog: Qiima jabin xiliyada qaboobaha korontada

(Warm Home Discount Scheme – in Somali)

 

Ma ogtahay, inaad heli karto qiima dhimis dhan £140 oo laga goynayo biilkaaga korontada sanadka 2021 illaa 2022.

Qiima dhimistaas waxaa laga goynaya biilkaaga u dhaxeeya bisha October 2021 illaa iyo March 2022

Taas oo ka dhigan sanadka xisaab xidhka bisha u danbaysa ayaad heli doonta biilkaas oo laga jaray qiimahaas kore.

Hadaba la xidhiidh shirkada korantada ku siisa, si aad u heshid qiima dhimistaas.

Waxaa heli kara dad kooban, waxaana bixiya shirkado kooban oo qayb ka ah.

Sidaas awgeed horay ula xidhiidh oggowna in shirkadaadu qiima dhimistaas qayb ka tahay.

Hadaad saacad isticmaasho ama aad isticmaashid furaha lacagta lagu shubto (Prepaid) labadaba waad heli karta.

Yaa heli kara:

Hadii dhigaalka kusoo galaa uu yaryahay (Low income) , 

Shirkada korontada ku siisaana ay qayb ka tahay qorshahan

labadaas arrimoodba waad ku heli karta!

Hadaad u baahantahay caawimaad, nala soo xidhiidh

07535601005

info@hornofafricafoundation.org

Macluumaadkaas kore, waxbaa iska badali kara, masuulna kama nihin waxii qalad ah ee ka dhasha.

Waxaad xogtan oo buuxda ka heli kartaa lifaaqan hoose:

https://www.gov.uk/the-warm-home-discount-scheme/low-income