Xog: Caawimaada la xidhiidha Aaska

(Help paying for Funeral) (In Somali)

Ma ogtahay inay jiraan caawimaad la xidhiidha aaska. Waxa aan ku jirnaa xilli ay bateen duruufaha jira dhinac dhaqaale iyo caafimaadba. Xanuunka caabuqu waxuu sabab u noqday dad badan oo asxaabteena, eheladeena iyo xigaalba inoo aha, waxaana sii dheer duruufaha shaqsi ee ku gadaaman.

Taas oo sababi karta inaad la kulantid baahi la xidhiidha qof aad jeceshahay oo ehelkaaga ah, ama asxaabtaada ah oo raba in laga caawiyo aaska.

Hadaba adi kaligaa maaha, waxaa jira dhaqaale dowladu ugu talo gashay, dadka dan-yarta ah, in laga taakuleeyo aaska.

Dhaqaalahan waxaa heli kara qofkii qaata ama ay dowladu siiso deeq lagu kabayo dhaqaalihiisa.

Tusaale ahaan, hadaad qaadatid dhaqaalahan hoose ee danyarta laga kabo sida:

    • Income support
    • income-based Jobseeker’s Allowance
    • income-related Employment and Support Allowance
    • Pension Credit
    • Housing Benefit
    • the disability or severe disability element of Working Tax Credit
    • Child Tax Credit
    • Universal Credit

Hadaad kamid tahay bulshada qaata taakuladaas kore, waxaad xaq u yeelanaysaa in lagaa caawiyo dhaqaalaha aaska. 

Dhaqaalahaas waxaa toos loogu shubaya shirkada u qaablisan adeega aaska (Tusaale ahaan masaajidka duugista marxuumka u qaabilsan). Sidoo kale , hadii aad jeebadaada ka bixisay, waxaad ku dalban kartaa mudo 6 bilood gudahood ah iyada oo Bangigaaga laguugu soo shubayo.

Yaa dalban kara, maxuuse noqon karaa xidhiidhka ka dhaxeeya  qofka codsanaya kaalmadan iyo Marxuumka/ Marxuumada la aasayo,

Qofka dalbanaya waa inuu noqdo qof kamida shaqsiyaadkan hoose:

  • Lamaanaha marxuumka (Xaaskiisa) ama Lamaanaha Marxuumada (Ninkeeda)
  • Qaraabada u xigta marxuumka/marxuumada ama Saaxiibkood
  • Waalidka ilmaha saqiiray isaga oo ifka usoo bixin balse jiray 24 todobaad .
  • Waalidka, ilmaha saqiiray ee ka yar 16 sano, ama haduu jiray 20 sano balse uu ku jiray waxbarasho la aqoonsanyahay.Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in si sharaf iyo karaamo leh loo aaso. Hadaba haday jiraan qof qoyskaaga ah ama qaraabadaa ah ama saaxiibka ah, oggow waxaa jira taakulo aad heli kartid oo aad xaq u leedahay.

Waxa Allaah mahadiis ah Bulshada Soomaaliyeed inay yihiin dad iskaalmeeya, oo is gacan qabta waqtiyada xaaladu adagtahay. Sidaas oo ay tahay waxa hadana wanaagsan in la helo xogta la xidhiidha caawimada laga heli karo dowlada.

Sida loo dalbankaraa

Waxaa u dhib yar inaad teleefan u dirtid: 0800 169 0140

Social Fund

Telephone: 0800 169 0140
Textphone: 0800 169 0286
Relay UK (if you cannot hear or speak on the phone): 18001 then 0800 169 0140
Video relay service for British Sign Language (BSL) users – check you can use the service
Welsh language: 0800 169 0240
Monday to Friday, 8am to 6pm
Find out about call charges

Hadii aad u baahantahay xog dheeri ah, fadlan nagala soo xidhiidh telefanka cinwaankayaga:

ama email noogu soo dir info@hornofafricafoundation

fadlan xogtan waa mid isbadali karta masuulna kama nihin waxii ka qaldama.

waxaad faahfaahinta saxda ah ka heli kartaa cinwaankan hoose-

https://www.gov.uk/funeral-payments
https://www.gov.uk/government/publications/funeral-payment-claim-form